​Saddex katirsan Shabaab oo Kismayo lagu dilay

Image

KISMAYO- Saraakiil katirsan kuwa ammaanka magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in xalay dablay katirsan kooxda Shabaab weerar ku qaadeen guri uu daganaa sarkaal dhanka ammaanka qaabilsan.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay saddex kooxda Shabaab katirsan kuwaasi oo ay toogteen ilaalada sarkaalka la weeraray, waxaana arrintaasi keentay inay magalada maanta laga sameeyo baaritaano xooggan.

Dhinaca kale ciidadamada nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland JSF, ayaa xalay fashilay qorshe kooxda nabadiidka ah ku doonaysay inay miino ku aasaan goobo muhiim ah, waxaana ciidamada oo gacan ka helaya shacabka u suurto gashay inay arrintaasi ka hortaagan islamarkaana gacanta kusoo dhigaan labo katirsan raggi qaraxa maleegayay.

Afayaheenka Hayadda Nabad sugidda Jubbaland  Axmed Maxamuud Maxamed Axmed Carab ayaa Saxaafada usoo bandhigey agab ay ka furteen kooxda Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale ballan qaaday inay dhawaan bulshada  usoo bandhigi doonan dadka howlgalka lagu soo qabtay.

Dadweynaha magalada ayuu Axmed Carab uga mahadceliyay siday ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka, isagoo ku booriyay inay sii wadaan taageerada ciidamada siinayaan iyo ka hortagga weerarda kooxda Shabaab.

Xarunta Jubbada hoose, waxaa kusugan ciidamo badan oo kuwa maamulka iyo AMISOM, isugu jira hadana waxaa dhaca weeraro ay fuliyaan kooxda, waxaana dhawaan la fashiliyay qarax gaari loogu xiray mas'uul katirsan xukuumadda Jubbaland.

Bishan ururka Shabaab ayaa xoojiyay weeraradu ay kafulinayaan qaybo kamdi ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM