Saddex khatar oo taliska Xasan Sheekh u horseeday Soomaaliya

Image
Qodobadan ayaa curyaamin kara dadaalada dowlad-dhiska Soomaaliya haddii aanan degdeg wax looga qaban.

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa u dhamaaday muddo xileed labo sano ah. Tani waxay ka dhigan tahay in ay u hartay labo sano iyo waajibaad badan oo qabyo ah.

Dhameystirka la dagaalanka Al-Shabaab, qabyo-tirka dastuurka iyo qabashada doorasho qof iyo cod ayaa kamid ah arrimaha hortabinta u leh qaranka hase ahaatee aysan muuqan ifafaalo iyo in geediga uu dhanka guusha jiro.

Dadka falanqeeye arrimaha siyaasada Soomaaliya ayaa rumeysan in saddex qodob ay asal u yihiin cagajiidkan kuwaas oo khatar weyn ku ah geedi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya haddii aanan xal degdeg ah loo helin.

Muddo Dhaafka Maamulada

Marka laga reebo HirShabelle, dhamaan madaxwayneyaasha kale ee maamul goboleedyadda ayaa ku joogga muddo dhaaf ka gadaal markii uu kordhin sharci darro ah u sameeyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Haddii ay cid ku qabsato xukunka haatan oo ay tiraahdo aniga ayaa maamul hebel madaxwayne ka ah gar bay u leedahay waana khatarta aan ka digayno,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Damaca dhul boobka Itoobiya

Tan iyo bilowgii sanadkan 2024, xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay sababo ku aadan is-fahamka ay Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland kaasoo ay isku-dhaafsanayaan marin bad iyo aqoonsi.

Ka sokow in talaabadan ay xadgudub ku tahay madax-banaanida Soomaaliya, waxay halis ku tahay jiritaanka dalka maadaama maamuladala kala safteen Itoobiya ayna Villa Soomaaliya ilaalin weyday midnimada.

Durbaanka dagaal beeleedyada

Waa dhif iyo naadir in la waayo gobol kamid ah Soomaaliya oo uusan haatan dagaal qabiil ka socon. Tani waxaa kasii daran in siyaasiyiinta xukunka haysa ay gadaal ka riixayaan abaabulkan iyaga oo raadinaya xukun iyo xoolo.

Soo rogaal-celinta colaadaha sokeeye ayaan kaliya waxyeelo gaarsiin doonin horumarka dalku ka sameeyay nabadda balse waxay sidoo kale wiiqeysaa xayiraada hubka ee la qaadey iyadda oo keeni karta in lasoo celiyo.

Sikastaba ha ahaatee, falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in dhamaan muskhiladahan taagan lagu xalin karo in dalka uu helo hogaamiye kaasoo danahiisa gaarka ah meel iska dhiga isla markaana usoo jeesta xalinta dhibaatada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay tayeynta waxbarashada

Kulankan oo ka dhacay magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa yeeshay xoghayaasha Baarlamaanka Afrika.

  • Soomaliya

    17-09-2024

  • 02:08PM

Dowladda Soomaaliya oo saacado xayirtay duulimaadyadii Baydhabo

Go’aankan ayaa si degdeg ah loo bedelay, iyadoo markii dambe fasax loo siiyay shacabka in ay raacaan diyaaradahaas.

  • Soomaliya

    17-09-2024

  • 08:13AM