Saddex sabab oo HirShabelle ka dhigay maamul goboleed fadhiid ah
JOWHAR, HirShabelle – Bini'aadamka is-maamul iyo nidaam dowladeed oo u fuliya baahiyahiisa isla markaana si cadaalad ah uga qaada waajibaadka laga doonayo waa mid laga udub-dhaxaad u ah taariikhdan casriga ah ee haatan.
Markii gobolada Soomaaliya ay burburkii kadib maamul u sameysteen qaabka ay isku leeyihiin, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay calfadeen in sanadkii 2016-kii loo yagleelo maamul loogu wan-qalay HirShabelle.
Inkasta oo dhismhiisa ay hareeyeen cabashooyin, dowladii waqtigaas jirtayna ay si bareer ah isaga indhatirtay, haddana waxaa lagu taamayay hogaankii maamulka ee xilligaas in uu xal u heli doono tabashada.
HirShabelle, oo noqdey maamulkii ugu dambeeyay ee laga yaglaalay Soomaaliya, ayaa mar kale ku gelaya doorashooyin wadadii horseeday in afarii sano ee u dambeysay ugu dhamaato fashil iyo wax-qabad la'aan.
Amni darro, dib-u-heshiisiin iyo adeeg bulsho la'aan si lamid ah xasilooni darro siyaasadeed ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay loo diiwaan-geliyey.
Dadka degaankan ayaa su'aallo iska waydiinaya sababaha keenay in HirShabelle ay noqoto maamul fadhiid ah isla markanaa fulin waayay rajadii laga qabay.
Isku-dheelatir la'aan baarlamaanka
Madaxweynihii labaad ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo is-casilay 2-dii November,2020, ayaa rumeysan in isku-dheelatirnaan la'aan ka jirta baarlamaanka ay sabab u tahay fashilka uu wajahayo maamulka.
Bulshooyin qaar ayuu xusay in ay haystaan kuraas badan, qaar kalana la siiyey tirro yar, kuwa aan waxba loo qorin iyagoo leh degaano badan.
"Qabiil hebaa igu dhegan kursi iga sii, qabiil hebel ma hadlaayeen way qanacsan yihiin hal kursi kasoo qaad ayaa lagu dhisay – waa dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo dhismihii HirShabelle ahmiyada siyaasi dano siyaasadeed [Politcal Consideration] iyo siyaasad qabiil," ayuu u sheegay Horufadhi Media.
Is-qabqabsigaas oo wali taagan ayaa wuxuu hareeyay coddeynta lagu waddo in ay ka dhacdo Jowhar maamlmaha nagu soo fool leh.
"Dhibaatada koowaad ee HirShabelle ka dhacday waa miisaan-daradaas dhanka baarlamaanka taasoo keentay culeys siyaasadeed – oo dadkii la rabay in ay HirShabelle u taageeraan dakhli, garab istaaga amniga ay diidaan," ayuu ku daray.
Dano siyaasadeed
Dowladii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aas-aastay HirShabelle iyaddoo isku diyaarineysa doorashooyin, waxaana arrintaas ay sababtay in la dadejiyo lagana talaabsado arrimo muhiim ahaa si gaar ah awood qeybsiga.
Maamulkii waqtigaas dalka ka ariminayey ayaa danta ugu weyn ee uu kalahaa waxay ahayd in uu soo saarto madax taabacsan si lamid ah qorshaha ay haatan Jowhar kawaddo dowladda uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo.
Tani ayaa meesha ka saartay fursad lagu sixi lahaa qaladaadkii hore, waana waddo maxsuulka ka imaanaya aanan u baahneyn in lasii saadaaliyo.
Deganaanshiyo la'aan siyaasadeed
Afartii sano ee u dambeysay qalalaasaha siyaasadeed wuxuu ahaa mid joogto ah. Mooshino iska soo horjeeda ayay kala gudbinayeen kooxo Xildhibaano ah kuwaasoo isugu qaar rabay wasiirnimo iyo tirro dano reer goobeysay.
Waare oo madaxda bedeleysa uga digay "boholada waaweyn ee horyaala" ayaa tibaaxay in lix biloodba mar laga gudbin jiray mooshin liddi ku ah.
"Hogaanka baarlamaanka oo aan ogoleyn deganaanshiyo siyaasadeed. Aniga runtii saddexdii sano aan joogay afar jeer ayaa mooshin la iiga keenay; lix biloodoo kasta mooshinaa liiga keenaayey – laba mooshino axaa liiga keenay anigoo fatahaad dhex-jooga oo dad soo daad-gureynaya," ayuu xusay.
Siyaasi Waare ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusii daray: "Waxa illaahey mahadiis ah Farmaajo, Xasan Sheekh, Imaam Maxamuud iyo Ugaas Xasan hadday isku fekrad yihiin oo maanta ay isku fekrad ka yihiin HirShabelle oo meesha ay HirShabelle u soconeyso ay okay ku yihiin anigana okay ayaan ku ahay".
Maxamed Cabdi Waare oo intii uu xafiiska joogay looga bartay siyaasad aan sal-fadhisa lahayn si gaar ah latacaamulka dowlada iyo maamulada ayaa u muuqda mid si fudud daaqada uga baxay maadaama uusan xulafo sameysan.
GAROWE ONLINE