Saddex Walaalo Ah oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

Wanlaweyn — Ugu yaraan saddex walaalo ah oo ka tirsan hal qoys ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan xilli ay ku jireen shaqo beerahooda oo ku yaalla deegaanka Dudumaaye, degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dilku uu ahaa mid la xiriira aano qabiil, isla markaana aanay dhibanayaashu wax lug ah ku lahayn colaado hore ama muranno taagan. Walaalaha la dilay ayaa ahaa beeraley ku hawlanaa shaqooyinkooda maalinlaha ah.

Dilka ayaa cabsi iyo murugo ku abuuray bulshada deegaanka, kuwaas oo ugu baaqay dowladda federaalka iyo ciidamada ammaanka in ay si degdeg ah uga jawaabaan amni darrada sii kordheysa ee gobolka ka jirta.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn ama saraakiisha ammaanka ee gobolka, mana jirto cid loo qabtay weerarka.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya rabshadaha sii kordhaya ee ka dhacaya qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose, halkaas oo beeraleyda iyo dadka deegaanka ay si joogto ah ula kulmaan hanjabaad iyo dhibaatayn uga imaaneysa kooxo hubeysa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM