Saddexda qodob ee ah hadafka askarta Mareykanka ee Soomaaliya

Image
Washington ayaa dhowaan go'aamisay in ay ciidamadeeda dib ugu soo celiso Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadafka ciidamadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah in ay gacan ka geystaan ​​xakameynta iyo hoos-u-dhigida awooda Al-Shabaab, si lamid ah xoojinta ciidamadda amniga Soomaaliya, iyadda oo la taageero howlgalka Midowga Afrika.

Ciidankan ayaa dib ugu soo laabanaya Soomaaliya kadib amar kasoo baxay maamulka Joe Biden. Soo laabashadoodda waxay kusoo hagaagtey xilli dalku yeeshay hogaan cusub uuna meesha ka baxay hogaankii hore.

Warbaahinta caalamka oo si weyn u falanqeysay talaabadan waxay ku tilmaameen in Mareykanka uusan wali u jiheysan soo afjarida dagaalka Al-Shabaab ayaga oo su’aal geliyey in uu guuleysan doono howlgalkan cusub.

Marka la eego heerka hawlgalka, guushu waxa ay keenaysaa in ay sii yaraadaan weerarada Al-Shabaab ee ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo askarta shisheeyaha.

Tan waxaa ka mid noqon doona in la yareeyo weerarrada waaweyn ee lagu qaado saldhigyada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, iyo in si weyn loo dhimo khasaaraha ay geystaan ​​Al-Shabaab.

Sidoo kale, weerarada baaxada leh ee lagu qaado saldhigyada ciidamada dowladda, kooxda argagixsada ayaa inta badan adeegsata qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weeraro ismiidaamin ah oo ay fuliyaan cutubyo yar oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska.

Heerarka siyaasadeed iyo kuwa istaraatiijiyadeed, si kastaba ha ahaatee, guushu ayaa waxay keenaysaa soo afjarida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mar haddii laga adkaaday dagaal-yahanada ay u muuqato mid aan aad loo sugin, horumarka waxaa ka mid ah dhiirigelinta dib u heshiisiin dhexmarta madaxda Soomaaliyeed.

Tani waa in ay ku jirto in al-Shabaab lala furo wadahadal siyaasadeed oo ku saabsan sidii looga wadahadli lahaa joojinta dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, caqabad weyn ayaa weli jirta.

Hoggaanka Al-Shabaab ee hadda jira waxa ay muujiyeen calaamado yar oo muujinaya in ay diyaar u yihiin in ay wada hadal noocaas ah galaan. Runtii, markii ugu dambeysay ee hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ay ka hadlaan suurtagalnimada in wada xaajood lagu dhammeeyo dagaalka waxay ahayd 2018.

Xitaa markaas, afhayeenkoodu wuxuu ku tilmaamay wadahadallada inay yihiin qalab lagu "kala qaybin karo mujaahidiinta". Xaaladahan oo kale, way adag tahay in la arko waddo degdeg ah oo loo maro xasilinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM