Safaarada Soomaaliya ee Malaysia oo digniin u dirtey muwaadiniinta
MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa muwaadiniinta ku sugan gudaha dalka iyo dibadda uga digtey in ay soo maraan dulaaliin haddii ay arrimo caafimaad ama waxbarasho u tagayaan dalkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in talaabadan ay dhabaha u xaari karto in loo diido dal ku galka dalkaas ama in laga celiyo isla gudaha madaarka diyaaradaha ay ka dagaan.
"Haddaba, dadweynaha Somaliyeed ee doonaya in ay yimaadaan dalka Malaysia waxaan ka codsanaynaa haddii ay rabaan in ay yimaadaan dalka Malaysia in ay soo buuxiyaan shuruudaha laga doonayo oo u degsan dawladda Malaysia," ayay ku yiri bayaanka.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAFADEEDKA
Dhammaan dadweynaha Somaliyeed ee doonaya in ay Malaysia u soo safraan waxaan la socodsiinaynaa in muwaadinin badan oo Somaliyeed Garoonka Dayuuradaha Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia lagu xiray ama dib Soomaaliya loogu Celiyay sababo badan oo jira awgeed.
1) Mida koowad oo ah dadka Soomaaliyeed oo loo diiday in dalka Malaysia soo galaan, waxay u badan yihiin dad bukaanka ah oo warqadahooda caafimaadka aynan dhamaystirnayn ama wata warqad bug ah oo tuugo dulaaliin ah Somali ah aan u bixine magafeyaasha oo Malaysia deggan u sameeyeen.
2) Mida labaad, waa dad dalxiis u yimaada dalka Malaysia, ayagana shuruudaha dal ku galka xagga Dalxiiska ay u dhamaystirneen, sidaas o kale ayaguna dulaaliin dad qalato ah lacag badan inta ay ka qaataan hadana qofka marka Garoonka lagu qabto inkiraan.
3) Qodobka seddexad Waa ardayda waxbarshada u yimaada Dalka Malaysia, iyagana dulaaliin inta lacag badan ka qaataan, scholarship u ballan qaadaan, haddana marka ardaygi Malaysia yimaado lagu yirahdo Scholarship majiro ee lacagta Jaamacadda iska bixi.
Haddaba, dadweynaha Somaliyeed ee doonaya in ay yimaadaan dalka Malaysia waxaan ka codsanaynaa haddii ay rabaan in ay yimaadaan dalka Malaysia in ay soo buuxiyaan shuruudaha laga doonayo oo u degsan dawladda Malaysia.
Ardayga doonaya inuu waxbarasho u yimaado dalka Malaysia asagoo dulaal soo marin waa inuu website Jaamacadda ku buuxsha arjigiisa iyo Documents laga rabo, Safaaradda Somaliyeedna la socodsiyo, Qaybta Waxbarashada si loogu fududeeyo hawshiisa.
Safaaradda Qaybta waxbarashada waxay la socodsiinaysaa, Jamacadda, Hayadda EMGS oo qaabilsan Waxbarashada ardayda ajnabiga iyo Hayadda Immigrationka. Ardaygana waxaa u baaqanaysa lacagta dulaalka oo labada jeer ka qaataan, taas oo kala ah:
Tan kowaad oo ah Lacagta uu dulaalka ka qaato marka ardaygu loogu xareynayo arjigiisa. Tan labaad oo ah marki uu lacagta Jaamacadda bixiyo dulaalka oo qaadan doono 30%, ka mid ah lacagti uu ardaygu waxbarashada u bixinayo.
Waxaa kale ardayda iyo waalidiinta Somaliyeed la socodsiinaynaa in dulaaliin ay samaysteen shirkado been abuur ah oo aan ka diiwaan gashanayn dalka Malaysia oo lagu dhacaayo ardayda Somaliyeed oo lacag dulaal looga qadanaayo iyo ardayda loogu sheekeynayo in scholarship la siinaayo. Taasoo arday badan lagu dhacsy, haddana arday badan waxbarasho la’aan ay ku xayiran yihiin dalka Malaysia maadaama siyaabo kala duwan lacagtooda waxbarashada dulaalinta ku dhaceen.
Waxaa kale oo shacabka Somaliyeed la socodsiineyna Muwaadininta bukaan ka ah ee doonaya in Isbitaalada Malaysia lagu daaweeyo, waa inuu Safaaradda Somaliyeed ee Dalka Malaysia soo ogeysiiya si loogu sheego shuruudaha laga doonayo. Bukaanka ayaa dooranaya Isbitaalka lagu daawenydoono assagoo la soo tashandoono dhakhtarkiisa Somaliya.
Bukaanka toos ayuu warqadihiisa isbitaalka u dirsan doona isbitaalka lagu daaweyndoono, Safaaradduna nuqul buu u soo diridoona si aan ugu fududeyn xagga Isbitaalka iyo Immigration Malaysia iyo si aan ula socono xaaladda bukaanka marka garoonka Kuala Lumpur ka soo dego iyo bukaanka xaaladdiisa caafimaadka inta isbitaalka ku jiro.
Qofka dalxiiska u imanaya Malaysia waa inuu wataa lacag ku filan iyo Hotel booking, assagoo la socodsiinaya Safaaradda. Xittaa haddii lacag ku filan wato, Immigration Malaysia waxay soo rogeen nidaam ah in Safaaradda la socoto muwaadin kasta Somaliyeed oo dalka Malaysia soo galaayo.
Waxaa kale aan la socodsiinaynaa dhammaan shacabka Somaaliyeed, Dulaaliintas (magafeyaasha Somaliyeed ee ka dilaacay dalka Malaysia) kuwa magaca shirkado been abuurka samaystay oo ku xadgudbaaye sharciga dalka Malaysia oo gaarayaan ilaa 8 qofood iyo kuwa warqadaha been abuurka daabacayaan waxaa kiiskooda baaris ku haya Boliska, Hayadda Nabadsugidda iyo Immigration ee dalka Malaysia, maadaama warqado been abuureen ah ka sameeyeen Hayadaha dalka Malaysia, hayadaha Dawladda Somaliya iyo in ay ku shaqaystaan nidaamka (Human Tirafficking), dhoofinta dadka sida sharci darrada ah, taasoo dalka Malaysia mamnuuc ka ah, sharci adagna ka yaalo.
Haddaba, si nidaamka dal ku galka ee dalka Malaysia loo ilaaliyo isla markaana qofka muwaadinka Somaliyeed dhibaato kala kulmin Safarkiisa, waxaan ka codsanaynaa muwaadaniinta doonaya in dalka Malaysia soo galaan in ay buuxiyaan shuruudaha aan kor ku soo sheegnay isla-markaana sharciga dalka Malaysia dhowraan.
GAROWE ONLINE