Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Suudaan oo la bililiqeystay

Image
Dadka deriska la ah safaaradda ayaa xaqiijiyey in xoogag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha safaaradda, ayna dhaceen hantidii taallay.

KHARTUUM, Suudaan - Ciidamo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa bilabilqeystey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada caasimada ah ee Khartoum ee dalka Suudaan, kuwaasi oo qaatay dhammaan agabkii yaalay dhismaha.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan, Maxamed Sheekh Isaxaaq oo la hadlay BBC Somali, ayaa xusay in dadka deriska la ah safaaradda ay xaqiijiyeen in xoogag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha safaaradda, ayna dhaceen hantidii taallay.

“Waxaa naloo sheegay in ay jabiyeen albaabada hore iyo dambe ee safaarada. Sidoo kale, waxay galeen qeybta hoose oo xafiisyo iyo maktabad yar ay ku yaalay, balse ma aysan helin wax ay qaataan.” ayuu yiri Maxamed Sheekh Isaxaaq.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ragga hubeysan ay waayeen wixii ay rabeen oo isugu jiray lacag, dahab iyo agab kale oo muhiim ah.

"Waxay qaateen oo keliya baabuur la soo dhigay safaaradda horteeda, kaasoo ay dad kale lahaayeen, ma aysan gelin dabaqa sare ee xafiiskaygu ku yaallo," ayuu caddeeyay.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si nabad ah u soo daad gureeyay 282 muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Suudaan.

Halka ay ku taallo safaaradda Soomaaliya ee Khartoum waxaa sidoo kale ku yaalla safaaradaha Kenya, Djibouti, Zimbabwe, Algeria, Libya, iyo Eritrea. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, rabshadaha socda ayaa sababay dhimashada 676 qof iyo dhaawaca 5,576 kale. Iyadoo ay jiraan dad badan oo la la’yahay oo meydadkooda aan la aasin, ayaa waxaa la filayaa in khasaaraha dhabta ah uu intaasi ka badan doono.

Qiyaastii 200,000 oo qof ayaa u qaxay dalalka deriska ah, in ka badan 700,000 ayaa ku barakacay gudaha Suudaan, taasoo dhalisay masiibo bini'aadantinimo oo khatar ku ah inay soo galaan quwado dibadda ah, ayna khalkhal geliso gobolka dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Mushahaarka u kordhiyay Ciidamada Somaliland

Madaxweyne Irro ayaa sidoo kale ballanqaaday in la hagaajin doono xirfadaha iyo awoodda ciidamada Somaliland.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 09:36AM

Madaxweynaha Soomaaliya Masar tagey kadib heshiiskii Itoobiya

Booqashadan ayaa timid xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay xalliyeen xiisadihii u dhexeeyay, kadib heshiiskii Ankara ee 11-kii December.

  • Soomaliya

    23-01-2025

  • 06:17AM