Waanwaanta Xamse ee Baydhabo: Dhacdadii garoonka iyo natiijada kulanka

Image
Safarka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dibada usoo saartey heerka ay gaartey is-aaminaad la'aanta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu waddaa in uu Jimcaha berri ah soo gabagabeeyo socdaal labo maalmood ah oo uu ku tagay magaaladda Baydhabo.

Socdaalkan ayaa waxa uu kusoo beegmay iyadda oo xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed uu gaarey heerkii ugu hooseeyay isla markaana ay gaartey heer hawada la isku mariyo hadal xanaf leh.

Madmadowga labada daraf ayaa waxaa caddeyn u ah heerka ay gaartey is-aaminaad la'aanta labada dhinac taasoo si rasmi ah banaanka usoo baxdey markii wafdiga Xamse ay ka dageen garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Illo wareedyo la aamini karo ayaa Garowe Online u xaqiijiyay in Koonfur Galbeed ay soo dhaweynta Xamse shuruud uga dhigtay in ra'iisul wasaaraha uusan ciidamo dheeraad ah iska soo horumarin karin sida horey u dhici jirtey.

Go'aankan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay tuhun xooggan oo soo ifbaxay kaasoo ku saabsan in suurtagal ay tahay in dowladda federaalka ay xirtey hogaanka Koonfur Galbeed ama isku-day noocaas ah uu imaan karo.

"Waxyaabaha kale ee tuhunka sii xoojiyey waxaa qeyb ka ah in wafdiga Ra'iisul Wasaaraha uu qeyb ka ahaa Taliyaha Nabad-sugida Cabdullaahi Sanbaloolshe," ayay raaciyeen qaar kamid ah illo wareedyadda Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, wadahadaladii siyaasadeed ee Xamse iyo Laftagareen ayaa waxaa soo ifbaxdey in ay isku-fahmeen in xaalada la dajiyo isla markaana wax go'aano ah aysan labada dhinac si rasmi ah ula kala qaadanin.

Xamse iyo Laftagareen ayaa isku-kaliyeystay shirka iyadda oo meesha laga saarey Sanbaloolshe iyo Habdhowraha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo ka socday dhanka Aadan Madoobe.

"Laftagareen wuxuu gudbiyay cabashadiisa oo ay kamid tahay in balamo horey looga baxay iyo in aan lagala tashan go'aano masiiri ah oo khuseeya amniga degaanadda Koonfur Galbeed. Xamse wuxuu sheegay in fariinta qaadayo," ayay xuseen.

Sikastaba ha ahaatee, dhacdooyinkan ayaa waxay muujinayaan in kaalinta Xamse ee xalinta khilaafka Laftagareen iyo Xasan Sheekh ay tahay fariin qaadid balse go'aanka kama dambeysta ah uu yeelan doono Madaxweynaha xilka haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay tayeynta waxbarashada

Kulankan oo ka dhacay magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa yeeshay xoghayaasha Baarlamaanka Afrika.

  • Soomaliya

    17-09-2024

  • 02:08PM

Dowladda Soomaaliya oo saacado xayirtay duulimaadyadii Baydhabo

Go’aankan ayaa si degdeg ah loo bedelay, iyadoo markii dambe fasax loo siiyay shacabka in ay raacaan diyaaradahaas.

  • Soomaliya

    17-09-2024

  • 08:13AM