Safiirka dalka Kenya u fadhiya Somalia oo la badaley

Image

NAIROBI April 2,2015 (GO)- Kulan golaha Wasiirada dowlada Federaalka Somalia isugu yimaadeen maalinamadii Khamiista ayaa waxaa lagu ansaxiyey in safiirka dowlada Somalia u fadhiyi doona wadanka Kenya uu noqdo Jamal Xasan.

Warsaxafadeed kasoo baxey kulanka golaha Wasiirada dowlada Federaalka ayaa lagu cadeeyey isbadalkaan iyadoo sidoo kale la magacaabey Afar Safiir oo kale.

Safiirkii hore ee dalka Kenya u fadhiyi jirey wadanka Somalia Maxamad Cali Nuur Americo oo xilkaan hayey muddo Toban sano ayaa AHN waxaa u magacaabey madaxweynihii hore ee Somali Cabdilahi Yusuf Axmad 2004.

Americo ayaa inta uu xilkaan hayey ku guuleystey inuu is hortaago in la iibsado dhismaha safaarada Somalia isagoo Maxkamad 2010 kaga guuleystey ganacsade u dhashey dalka Kenya.

Safiirka cusub ee dalka Kenya Jamal Xasan ayaa khibrad u leh siyaasada Somalia iyo dalka Kenya isaga oo horey uga tirsanaa saraakiisha safaarada Mareykanka u qaabislan arrimaha Somalia taasoo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Isbadalada safiirada u fadhiya Somalia oo asbuucayadii lasoo dhaafey ka socdey magaalada Muqdishu ayaa timid maalmo kadib markii qarax lagu diley Yusuf Bari Bari oo arrimaha xuquuqul insaanka u qaabilsanaa Somalia kasoo fadhigiisu ahaa magaalada Geneva.

GAROWEONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM