Sagaal qof oo loo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay

Image
Shaqsiyaadkan ayaa lagu waramay in ay jawaano iyo taariikhyo cusub siiyeen badeecadahan dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa xabsi u taxaabay sagaal ruux kuwaasoo lagu eedeeyay ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaano dhacay, sidda uu shaaciyey xafiiska xeer-ilaalinta.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer-ilaalinta, shaqsiyaadkan ayaa lagu waramay in ay jawaano iyo taariikhyo cusub siiyeen badeecadahan dhacay.

Balse, xafiiska ma uusan shaacin goobta iyo taariikhda lasoo qabtey eedeysaneyaasha. Hase ahaatee, waxa uu caddeeyay in la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

HOOS KA AKHRISO QORAAL XAFIISKA SOO SAAREY

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir 9 eedaysane oo lagu soo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay ayaga oo jawaano iyo taariikho cusub siinaya raashinka iyo cabitaannada dhacay.

Fal-dembiyeedkaas oo baaristiisa u gacanta ku hayo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, marka ay baaristiisu soo dhammaato Waxa uu
eeddooda u gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Xafiisku waxa uu digniin culus u dirayaa cid kasta o ku hawlan ka-ganacsiga cuntooyinka dhacay, kuwaas oo bulshada khatar wayn ku ah.

Ugu dambeyn, Xafiisku waxa u bogaadinayaa dadaallada hay'adaha amnigu ay kaga hortagayaan dadka caadaystay falalkaas gurracan, sidoo kale waxaa u ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay'adaha amiga sidii loo soo afjari lahaa falalkaas khatarta ku ah bulshada.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM