Saldhigyada degmooyin ku yaala Muqdisho oo la qarxiyey

Image
Booliska ayaa xaqiijiyey in weerarkan loo adeegsadey bambooyinka gacanta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bambaanooyinka gacanta ayaa lagu weeraray saldhigyada booliska Wadajir, Hodon, Howlwadaag iyo Boondheere, oo katirsan Muqdisho, sidda uu sheegay afhayeenka Booliska C/fitaax Aadan.

Lama oga illaa hadda khasaaraha weerarka, oo u muuqda mid arbushaad ah, oo amniga Caasimadda lagu qal-qal gelinayo, xili doorasho ka socotay. Lix maalin kahor weeraro dhowr jiho ah ayaa lagu qaadey Kaxda iyo Yaaqshiid saldhigyo ku yaalla.

Sida ay sheegayaan warar horudhac ah, ciidamadda ammaanka ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan dableyda beegsatay afar degmo, waxaana qorshuhu yahay in loosoo bandhigo warbaahinta.

Ammaanka caasimada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid aan la isku haleyn karin waxaana maleyshiyada Al-Shabaab ay kordhisay weeraradda safka ballaaran ee ay ka geysaneyso magaala madaxda.

Horaantii bishaan gaar ahaan xilli habeen ah, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga degmada Kaxda. Falkaas waxaa loo adeegsadey qarax is-miidaamin iyo weerar toos ah. Khasaaro u badan burbur hantiyeed ayaana ka dhashay.

Isla habeenkaas, maleyshiyadda ayaa beegsatay kolanyo waday mas'uul aaga Daaru Salaam. Sidoo kale, fariisimo ciidanka ku leeyihiin duleedka magaala madaxda ayay weerartay. Wadarta, geerida 5 qof ayaa lasoo wariyey.

Maalmo kahor dhacdooyinkaan, qarax is-miidaamin ayay ku weerartey kolanyo wadday ergada kuraasta gobolada waqooyi ee doorashada golaha shacabka. Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la sheegay in uu sababay falkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM