Sanad-guuradii 55aad ee ciidanka xoogga dalka oo Muqdisho laga xusey

Image
Image
Image

April 12, 2015 (GO)- Munaasabado lagu xusayey sanad guurada 55aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed  ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiiro, xildhibaan, saraakiisha ugu sareysa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kasoo qayb galay munaasabad ka dhacdey xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga.

Cutubyo ka tirsan ciidanka ayaa salaan sharaf siiyay mas’uuliyiinta munaasabadda ka qeybgashay oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan, iyadoona ciidamada qeybahooda kala duwan gaaddo ka ciyaar qurux badan goobta kusoo bandhigeen.

Sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay gaadiidka ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka oo noocyo kala duwan isugu jira kuwaasoo ay kamid yihiin gawaarida lagu daabulo ciidanka.

Fanaaniinta Kooxda Horseed ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa munaasabad ka qeyb qaadanayay ayagoo Heeso iyo Ruwaayado ka hadlaya ahmiyadda Ciidanka Xooga uu dalka u leeyahay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay intii munaasabadda ay socotay iyadoo Ciidamo la dhigay wadooyinka waa weyn ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Munaasabado caynkan oo kale ah oo lagu xusayey sanad-guuradii 55aad ee kasoo wareegtey markii la asaasey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyin ay kamid yihiin: Beledweyn, Dhuusomareeb iyo Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM