Saraakiil sare oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Galmudug

Image
Deegaanka ma jirto cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo ay ku jiraan Taliyahii howl-galinta ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan (Gasaawe) iyo Taliyihii guutada 13aad ee Qeybta 21 Gashaanle Dhexe Cali Cagawayne ayaa ku dhintay dagaal meeshiyada Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Cadakirir oo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa qarxay shalay galab, kadib markii ay ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka oo iskaashanaya weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku suganaayeen.

Deegaanka ma jirto cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay, Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa labada dhinac caawa ka jooga deegaanka Cadakibir.

Xogta aan ka heleyno dagaalkaas waxay sheegeynaa in uu gurmad kala heleen dhinacyada dagaalamay, sidoo kale khasaare xoog leh ayaa kala gaaray.

Deegaanka Cadakibir ayaa u dhaw deeganka Baxdo oo Jimcihii ay weerareen Al-Shabaab, halkaas dadka deegaanka ay kooxda uga dileen maleeshiyaad badan, waxayan dadka reer Baxdo ku guuleysteen inay deegaanka ka xoreeyaan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Galmudug waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Gorgor oo halkaasi loo geeyay dagaal ka dhacay degmada Guriceel October 2022, kama aysan qayb qaadan dagaalka sida laga soo xigtay saraakiil amaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM