Saraakiil sare oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Galmudug

Image
Deegaanka ma jirto cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Inta la xaqiijiyay 7 ruux oo ay ku jiraan Taliyahii howl-galinta ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan (Gasaawe) iyo Taliyihii guutada 13aad ee Qeybta 21 Gashaanle Dhexe Cali Cagawayne ayaa ku dhintay dagaal meeshiyada Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Cadakirir oo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa qarxay shalay galab, kadib markii ay ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka oo iskaashanaya weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku suganaayeen.

Deegaanka ma jirto cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay, Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa labada dhinac caawa ka jooga deegaanka Cadakibir.

Xogta aan ka heleyno dagaalkaas waxay sheegeynaa in uu gurmad kala heleen dhinacyada dagaalamay, sidoo kale khasaare xoog leh ayaa kala gaaray.

Deegaanka Cadakibir ayaa u dhaw deeganka Baxdo oo Jimcihii ay weerareen Al-Shabaab, halkaas dadka deegaanka ay kooxda uga dileen maleeshiyaad badan, waxayan dadka reer Baxdo ku guuleysteen inay deegaanka ka xoreeyaan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Galmudug waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Gorgor oo halkaasi loo geeyay dagaal ka dhacay degmada Guriceel October 2022, kama aysan qayb qaadan dagaalka sida laga soo xigtay saraakiil amaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM