Sarkaal ka tirsan mileteriga DF oo Muqdisho qarax lagula eegtay

Image

February 4, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey toddoba qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino lagu xiray gaari uu watey sarkaal ka tirsan ciidamada militeriga ee Dowlada Federaalka.

Mas'uulka la bartilmaameedsaday ayaa lagu soo waramayaa inaysan wax dhibaato ahi qaraxa kasoo gaarin.

Axmed Xasan Yaloow oo ah guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa sheegay in qofka dhintay iyo badi dadka dhaawacmay yihiin dad rayid ah oo xilligii qaraxu dhacayey goobta ka dhowaa.

Yaloow ayaa sidoo kale sheegay inuu socda baaritaan la xiriira qaraxa islamarkaana ciidamadu ku raad joogaan dhowr qof oo lagu tuhmey inay weerarkan ku lug lahaayeen.

Mas'uuliyadda weerarkan weli cidi ma sheegan, haseyeeshee ururka Al-shabaab ayaa magaalada Muqdisho horay uga geystey weeraro caynkan oo kale ah.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli ay maanta magaalada Muqdisho gaareen madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM