Sarkaal ka tirsan sirdoonka PL oo xalay Garowe lagu dhaawacey

Image

March 23, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka Puntland ayaa xalay lagu dhaawacey magaalada Garowe.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Caydiid islamarkaana dhowaan loosoo magacaabay taliyaha sirdoonka gobolka Sanaag waxaa toogtey ciidamo ka tirsan booliska.

Falkani wuxuu ku dhacay si aan ula kac ahayn kadib markii ciidamo roondo ah oo ku sugnaa bar kantarool oo gaadiidka lagu baaro ka shekiyeen gaariga uu sarkaalkaasi watey.

Dhaawaca Taliye Caydiid ayaa ah mid culus, waxaa sidoo kale rasaasta ciidamadu rideen ku dhaawacmey mid kamid ah ilaaladiisa.

Xaaladda Garowe ayaa xalay ahayd mid kacsan, waxaana qaybo kamid ah magaalada laga maqlayey rasaas goos goos ah.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatey khilaaf dhowaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo saraakiil ka tirsanaa laamaha ammaanka oo xilalka laga qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM