Sarkaal sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin hal dal

Image

DOOLOW, Soomaaliya – Sarkaal katirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin hal wadan xilli dowladda Federaalka ay ku eedeynayso Kenya faragelin.

Isagoo magaalada Doolow kula hadlayay cutubyo katirsan ciidamada dowladda Federaalka, ayuu hadalkan ka sheegay, waxaana xilligaasi dhinac taagnaa gudoomiyaha degmada iyo saraakiil kale.

“Wax aan kala duwanahay ma jirto, waxaan nahay hal dal iyo hal dad, ma jirto farqi noo dhaxeeya,” ayuu yiri sarkaalka, oo taliye u ah askarta Itoobiya ee ka howlgala gobolka Gedo, oo hadda xiisad ka jirto.

Hadalka Sarkaalka Itoobiyaanka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dowladda Federaalka ee fadhisa Muqdisho ay ku eedeysay Kenya inay faragelin siyaasadeed iyo mid amni ku hayso dalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa mudo dheer faragelin militeri ku haysay arrimaha Soomaaliya, oo ay ka joogaan ciidamo aan kamid ahayn kuwa AMISOM, oo ku jooga dalka ogolaansho Qaramada Midoobey iyo dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo u dirtay gobolka Gedo maalmo kadib markii xabsi ku yaalla Muqdisho uu kasoo baxsaday wasiirka amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Janan.

Ciidamada DF ay u dirtay gobolka ayaa xiisada ka abuuray degmooyin dhowr ah, iyadoo Jubaland ay sheegtay inay kahor tagi doonto duulaanka qaawan ee dhanka magaaladda Muqdisho looga soo qaadey.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay doonayso in Gedo ku dhisto maamul kadib markii ay ku guul-dareysatay inay xukunka ka tuurto Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar labaad dib loo doortay 2019.

Khilaafka Jubaland iyo DFS, ayaa u muuqda inuu sii xogeysanaya, iyadoo Kenya iyo Itoobiya kala taageerayaan labada dhinac, oo ciidamada ka jooga Gedo qarka u saaran yihiin inuu dagaal dhexmaro.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka amniga Cabdirashiid Janan ayaa ku sugan gobolka, oo abaabul ciidan kawada, kadib markii lagala wareegay dhawaan labo degmo.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM