Seddex milyan oo neef oo Soomaalida ka dhintay

Image
Sida ay FAO sheegtay, arrimahan oo dhan waxa ay saamayn weyn ku yeesheen amniga cuntada ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka abaaraha ku saabsan Waxay leeyihiin dhinacyo kala duwan, dhinac kastana wuxuu saamayn ku leeyahay kan kale.

Hadda waxaa soo baxaya xogihii ugu horeeyay oo rasmi ah oo ku saabsan tirakoobka xoolaha abaarta ay ka dishay Soomaaliya.

Sida ay sheegtay hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO , waxaa Soomaaliya ku dhintay wax ka badan 3 milyan oo xoolo ah.

Waxaa intaasi dheer xoolihii oo dhalmada yareeyay, sidoo kalena caano yareeyay taas oo uga sii dartay xaaladaha abaarta.

Waxa kale oo la sheegay in qiimaha xoolaha uu is dhimay illaa boqolkiiba 20% suuqyada hadda furan.

Halkii neef ee ari ah waxa uu hadda meelaha qaar ka gooyaa hal jawaan oo masago ah, taas oo ah hoos u dhicii ugu weynaa.

Waxay hay’adaha sheegeen in qiimihii gallayda iyo dalagii kale ee gudaha Soomaaliya ay aad sare ugu kaceen.

Tusaale, magaalada Muqdisho oo kale, jawaankii dallaga ah uu boqolkiiba 50 ka qiimo sareeyo sidii uu sanad ka hor ahaa.

Sida ay FAO sheegtay, arrimahan oo dhan waxa ay saamayn weyn ku yeesheen amniga cuntada ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM