Seddex milyan oo neef oo Soomaalida ka dhintay

Image
Sida ay FAO sheegtay, arrimahan oo dhan waxa ay saamayn weyn ku yeesheen amniga cuntada ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka abaaraha ku saabsan Waxay leeyihiin dhinacyo kala duwan, dhinac kastana wuxuu saamayn ku leeyahay kan kale.

Hadda waxaa soo baxaya xogihii ugu horeeyay oo rasmi ah oo ku saabsan tirakoobka xoolaha abaarta ay ka dishay Soomaaliya.

Sida ay sheegtay hay’adda cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO , waxaa Soomaaliya ku dhintay wax ka badan 3 milyan oo xoolo ah.

Waxaa intaasi dheer xoolihii oo dhalmada yareeyay, sidoo kalena caano yareeyay taas oo uga sii dartay xaaladaha abaarta.

Waxa kale oo la sheegay in qiimaha xoolaha uu is dhimay illaa boqolkiiba 20% suuqyada hadda furan.

Halkii neef ee ari ah waxa uu hadda meelaha qaar ka gooyaa hal jawaan oo masago ah, taas oo ah hoos u dhicii ugu weynaa.

Waxay hay’adaha sheegeen in qiimihii gallayda iyo dalagii kale ee gudaha Soomaaliya ay aad sare ugu kaceen.

Tusaale, magaalada Muqdisho oo kale, jawaankii dallaga ah uu boqolkiiba 50 ka qiimo sareeyo sidii uu sanad ka hor ahaa.

Sida ay FAO sheegtay, arrimahan oo dhan waxa ay saamayn weyn ku yeesheen amniga cuntada ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar oo $8 million labo diyaradooda ugu iibisay dowladda Soomaaliya

Soo dejinta diyaaradaha Akinci waxay calaamad u tahay horumar weyn oo ku saabsan xoojinta iskaashiga militari ee Turkiga iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-03-2025

  • 12:02PM

Turkiga Oo Diyaaradaha Akinci ee Casriga ah usoo diraya Soomaaliya

Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah nabadda dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-03-2025

  • 02:04PM