Seychelles: maxkamad xukuntey burcad-badeed Soomaali ah

Image

March 20, 2015 (GO)- Maxkamad ku taalla dalka Seychelles ayaa xukun ku riddey sagaal nin oo Soomaali ah kuwaasoo burcad-badeednimo ku eedeysnaa.

Nimankan ayaa gacanta lagu dhigey sanadkii 2013 xilli ay isku deyayeen inay xeebaha Soomaaliya ka afduubtaan markab nooca kiimikaalka qaada ah oo laga leeyahay Hong- Kong iyo markab kale oo lagu magacaabo MV Torm Kansas oo calanka Denmark uu ka dul babanayey.

Qaadiga maxkamadda ayaa diidey difaaca eedaysaneyaasha oo ahaa inay kalluumaysato yihiin wax dembi ahna lahayn, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigey video muujinaya qaabka weerarradu u dhaceen.

Siddeed kamid ah raggaas waxaa lagu xukumey xarig mudadiisu tahay afar iyo toban sano halka midka sagaalaadna lagu ridey saddex sano oo xarig ah.

Seychelles waxaa horay loogu xukumey tobannaan ka tirsanaa burcbad-badeedka Soomaalida, kuwaasoo markii dambe qaarkood loo soo wareejiyey xabsiyo ku yaalla Puntland iyo Somaliland.

Weerarrada burcad-badeedka Soomaalida ayaa saddexdii sano e ugu dambeeyey si weyn hoos ugu dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM