Seychelles: maxkamad xukuntey burcad-badeed Soomaali ah

Image

March 20, 2015 (GO)- Maxkamad ku taalla dalka Seychelles ayaa xukun ku riddey sagaal nin oo Soomaali ah kuwaasoo burcad-badeednimo ku eedeysnaa.

Nimankan ayaa gacanta lagu dhigey sanadkii 2013 xilli ay isku deyayeen inay xeebaha Soomaaliya ka afduubtaan markab nooca kiimikaalka qaada ah oo laga leeyahay Hong- Kong iyo markab kale oo lagu magacaabo MV Torm Kansas oo calanka Denmark uu ka dul babanayey.

Qaadiga maxkamadda ayaa diidey difaaca eedaysaneyaasha oo ahaa inay kalluumaysato yihiin wax dembi ahna lahayn, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigey video muujinaya qaabka weerarradu u dhaceen.

Siddeed kamid ah raggaas waxaa lagu xukumey xarig mudadiisu tahay afar iyo toban sano halka midka sagaalaadna lagu ridey saddex sano oo xarig ah.

Seychelles waxaa horay loogu xukumey tobannaan ka tirsanaa burcbad-badeedka Soomaalida, kuwaasoo markii dambe qaarkood loo soo wareejiyey xabsiyo ku yaalla Puntland iyo Somaliland.

Weerarrada burcad-badeedka Soomaalida ayaa saddexdii sano e ugu dambeeyey si weyn hoos ugu dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM