Shaakir oo DF uga digay in dhaqaalaha Galmudug u adeegsato dano gaar ah

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa "amray Wasiirada Galmudug ee la magacaabay 13/10/2018 ay howlahooda shaqo sii wataan inta uu kasoo magacaabayo gole cusub".

Shaakir waa mid kamid ah "saddex madaxweyne" ee Galmudug yeelatay kadib khilaaf hareeyay doorashooyinkii maamulkaas oo xukuumadda Soomaaliya lagu eedeeyay "in ay maroor-satay".

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa isana loo doortay madaxweynaha Galmudug kadib coddeyn ay Dhuusamareeb ku qabteen Xildhibaano taabacsan Villa Soomaaliya.

Mareykanka ayaa "aqoonsaday Qoor-qoor" balse waxaa uu dhaleeceyn kala kulmay siyaasiyiinta mucaaradka iyo saamileyda dowlad goboleedkaas.

Talaabada Shaakir ayaa imaaneysa iyaddoo warar soo baxaya ay tibaaxayaan in Axmed Ducaale Geele uu soo magacaabi doono wasiiro cusub maadaama uu sheegtay madaxweyne isagoo ku sugan Gaalkacyo.

Dhanka kale, qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxii hore ee xukuumada Galmudug ayaa lagu sheegay in ay "dhowaan" qabsoomeyso xafladda caleema saarkiisa.

Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in dhaqaalaha deeq-bixiyeyaasha caalamka ugu deeqeen Galmudug "aysan u adeegsan danaheeda gaarka ah si gaar ah arrimo siyaasadeed".

Hoos ka akhriso qoraalka Shaakir

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM