Shabaab oo soo bandhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Somalia

Image
Image
Image
Image

11 Octobar, 2015(GO)-Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo ay ka qabteen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose xilli uu ku sugnaa gurigiisa.

Sarkaal ayaa magaciisa ku sheegay Gaashaanle Sare Maxamed Xaaji Cali mar uu la hadlay Idaacad ku hadashay codka Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay inuu la soo shaqeeyay dowladihii soo maray Somalia.

"Magaceygu waa Muxamad Xaaji Cali, waxaan ahay sarkaal Gaashaanle sare ah, waxaan ka tirsanahay ciidanka dowladda Somalia, sidoo kalena waxaan la soo shaqeeyey dowladihii hore ee soo maray dalka oo ay ka mid tahay dowladdii Siyaad Barre" Ayuu yiri Gaashaanle Sare Muxamad Xaaji Cali.

Qabashada Gaashaanlaha kama hadlin dowladda Somalia.

GAROWEONLI

Related Articles

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM