Shacab badan oo ka xun xariga Jeneraal Sheegow oo isugu soo baxay dibadbax

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah, iyadoo boqolaal shacab ah ay isugu soo baxeen bannaanbaxyo ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan xarigga Jeneraal Sheegow.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay wadada muhiimka ah ee KM 4, waxayna taasi keentay in ay wadada xiraan, isla markaana ay hakad galayaan isu socodkii gawaarida.

Laamaha ammaanka oo arrinkaas ka jawaabaya waxay xaga cirka ku rideen rasaas aan si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha, taasoo uga sii dartay xaalada markii horeba kacsanayd.

Jeneraal Sheegow ayaa ahaa nin caan ah oo magaalada Muqdisho si weyn looga yaqaan, ciidamada amaanka ayaana gacanta ku soo dhigay isaga oo ku eedeysan inoo xigsaday askar taabacsanaa oo dil geystey. Halka dadka ku dhow ay aaminsanyihiin xariga inoo salka ku haayo heyb sooc.

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa aad looga dareemayay muuqaalo laga soo qaaday mudaaharaadka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay muujinayaan sida ay u taageersan yihiin dibadbaxayaasha.

Intii uu banaanbaxa socday, dibadbaxayaashu waxay dalbadeen in ay cadaaladda helaan, in la sii daayo Jeneraal Sheegow, iyo in baaritaan lagu sameeyo xariggiisa. Waxaana isa soo taraya baaqyada soo jeedinaya in wada hadal lala galo dibadbaxayaasha, iyadoo rajo laga qabo in xal nabadeed lagu gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM