Shacab ku dhamaadey qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image
Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka tuulada Raaxoi ee waqooyiga Balcad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay todoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay afar kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxan ayaa ka dambeeyay kadib markii gaari rakaab ah oo ka ambabaxay magaalada Jowhar kuna sii jeeday magaalada Muqdisho uu haleelay qarax miino.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan ay ka dambeysay Kooxda AS wallow dhankooda aysan wali sheegan.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka tuulada Raaxoi ee waqooyiga Balcad. Falkan wuxuu imaanayaa xilli xalay ismiidaamin ka dhacdey xeebta Liido ay galaafatay 35 ruux.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM