Shan qodob uu Xasan Sheekh uga hadlay maqaal uu qoray
WASHINGTON, USA – Madaxwaynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maqaal uu u ciwaan uga dhigay "Jihada kalitalisnimada halista ah ee Soomaaliya" waxaa maanta lagua daabacay majaladda Foreign Affairs.
Jariiradan afka dheer waxaa iska leh hay’adda Council on Foreign Relations (CFR) ee fadhigeedu yahay waddanka Mareykanka.
Isku-day xabsi guri gelin Rooble
Maxamuud oo mar kale u ordaya qabashada xilka ugu sareeya Soomaaliya ayaa diiradda saarey soo bandhigida khaladaadka uu nidaamka Farmaajo galay shantii sano ee lasoo dhaafay oo ay ku jirto "isku daygii afgembi fashilmay".
Dhacadii 27-dii December, 2021 ayuu ku sifeeyay "isku day la doonayey in xabsi guri lagu geliyo" ra'siiul wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Burburinta hay’adaha dimuqraadiga ah
Maleyshiyadda Al-Shabaab ayuu ka dhawaajiyay si ay si weyn ugu macaashtey qalalaasaha siyaasadeed ee ka oogan Muqdisho ayna isku sii fidisay dhul ballaaran oo ku yaal koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu "si ola kac ah bartilmaameed uga dhigtey burburinta hay’addaha dimuqraadiga ah kuwaasoo si dhib ah lagu aas-aasay labadii qarni lasoo dhaafay".
"Maxamed Farmaajo wuxuu ciidamadda amniga Soomaaliya u adeegsadey sidii uu ugu ilaalin lahaa maamulkiisa. Askarta ay tababareen Midowga Yurub, Turkiga, UK, iyo Mareykanka ayuu madaxweynaha ku beegsadey mucaaradka halkii ay ahayd in uu u jiheeyo la dirirka Al-Shabaab," ayuu xusay.
Al-Shabaab oo xambaarsan aragtidii Taliban
Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayuu hoosta ka xariiqay in ay dib isu abaabuleen shantii sano ee lasoo dhaafay "waxayna hadda isku arkaan in ay bedeli karaan dowladda federaalka sida ay Taliban ka sameysay Afghanistan".
"Maxamed Farmaajo wuxuu wali ciidanka u adeegsanayaa in u uu ku wiiqo dedaaladda daadihinta doorashada ee ra’iisul wasaaraha si ay u aqbalaan dhamaan dhinacyadda. Madaxweynaha wuxuu u muuqdaa mid samaynaya wax walba si uu xukunka u sii joogo," ayuu xusay.
Dhaliisha beesha caalamka
Beesha Caalamka ayuu ku dhaliilay in ay si gaabis ah uga hortagayaan isku-dayada foosha ee Farmaajo u sameeyay asbuucyadii u dambeeyay si uu xukunka u sii joogo "ayaga oo u muuqda in ay aqbalsan yihiin ficiladaas abaabulan".
"Haddii Beesha Caalamka ay sidaas kusii socoto, kaliya waxay dhiirgelin doontaa Maxamed [Farmaajo] kaasoo haya dhabihii u u uku noqon lahaa kalitaliska ugu xun gobolka [Geeska Afrika]," ayuu qoray hogaamiyaha xisbiga UPD.
Sanad-guuradii koowaad ee muddo kororsiga
Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u qalmaan in ay helaan madaxwayne cusub kahor 8-da Febraayo, 2022 oo ah sanad-guurada koowaad ee muddo kororsiga sharci darada ah.
"Tani waxay noqonaysaa fariin cad oo ku wajahan jiilka cusub taasoo ka dhigan in qofna uusan xukunka ku joogi karin si baalmarsan dastuurka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xasan, oo xukunka ku wareejiyay Maxamed Farmaajo.
GAROWE ONLINE