Shaqaale ka tirsanaa hay'ad samafal oo maanta Gedo lagu afduubey

Image

April 12, 2015 (GO)- Todoba qof oo u shaqeynayey hay'adda Solidarity International iyo xawaaladda Hodan Global ayaa maanta laga afduubtey duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dadkan oo dhammaantood Soomaali ah, waxaa in la afduubtey warbaahinta u xaqiijiyey duqa degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan.

Ibraahim ayaa sidoo kale sheegay in todobada qof oo isugu jira afar u shaqeynayey hay'adda Solidarity, labo ka tirsan Hodon Global iyo dareewalkii gaariga laga qafaashey meel 30km u jirta deegaanka Fafax-dhuun.

Mar la weydiiyey cidda afduubkan ka dambeysa wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda si rasmi ah loo xaqiijin balse tilmaamaha hordhaca ah ee la helay ay muujinayaan in Al-shabaab dadkaas afduubatey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee gobolka Gedo lagu afduubto shaqaale hay'ad samafal, waxayna arrintani kusoo aadeysaa labo todobaad kadib weerarkii Al-shabaab ka fulisey magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM