Shaqaale ka tirsanaa hay'ad samafal oo maanta Gedo lagu afduubey

Image

April 12, 2015 (GO)- Todoba qof oo u shaqeynayey hay'adda Solidarity International iyo xawaaladda Hodan Global ayaa maanta laga afduubtey duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dadkan oo dhammaantood Soomaali ah, waxaa in la afduubtey warbaahinta u xaqiijiyey duqa degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan.

Ibraahim ayaa sidoo kale sheegay in todobada qof oo isugu jira afar u shaqeynayey hay'adda Solidarity, labo ka tirsan Hodon Global iyo dareewalkii gaariga laga qafaashey meel 30km u jirta deegaanka Fafax-dhuun.

Mar la weydiiyey cidda afduubkan ka dambeysa wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda si rasmi ah loo xaqiijin balse tilmaamaha hordhaca ah ee la helay ay muujinayaan in Al-shabaab dadkaas afduubatey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee gobolka Gedo lagu afduubto shaqaale hay'ad samafal, waxayna arrintani kusoo aadeysaa labo todobaad kadib weerarkii Al-shabaab ka fulisey magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM