Shaqo ka joojin la amray in lagu sameeyo Cabdixamiid Dirir
MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa taliyaha ciidamada qalabka sida waxaa lagu amrey inuu shaqada ka joojiyo Taliyaha ciidanka Badda, Cabdixamiid Dirir.
Talaabadan lama filaanka ah ayaa waxay kusoo aadaysaa iyadoo cirku isku shareertey khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha xilkiisu dhamaadey iyo ra'iisul wasaaraha xil gaarsiinta.
Dirir ayaa todobaadkan waxaa uu wasiirka koowaad Rooble uu ku eedeeyay in uu boob ku hayo dhulka ciidamadda badda Soomaaliyeed kaasoo ku yaala nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Wasaaradda amniga ayaa shalay waxay soo saartey amar ku saabsan in Dirir uusan ka bixi karin dalka ka gedaal markii ay heshay xog ku saabsan in uu doonayo ka baxashadda eedaymaha loo haysto.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA VILLA SOOMAALIYA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.
Dad badan ayaa rumeysan in hadalka Dirir uu kalkii horey ku yimid rabitaanka Villa Soomaaliya isla markaana uu ujeedku ahaa in qiil loo helo xil ka qaadista ama shaqo ka joojinta Maxamed Rooble.
GAROWE ONLINE