Sharaxaad laga bixiyay shaqsiyada ra’iisul wasaaraha cusub

Image
Xamza Cabdi Barre

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu siyaasiga kaliya ee ka jira Soomaaliya oo habeenkii waqti hore seexda subaxiina xilli hore u soo kaca shaqada".

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu fahamsan in Ra’iisul wasaaraha magacaaban uu yahay qof ka soo bixi kara shaqada loo xilsaaray maadaama uu leeyahay “ xirfad hoggaamineed oo saraysa” lagana soo dhex xushay bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi ayaa sheegay in kalsooni badan ku qabo shaqa wasiirka 1aad ee xukumadda in uu wax badan ka qaban qodobada hortabinta leh ee horyaalla dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee arbacada ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo horay u ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Jubbaland.

“Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan. Waxaan ka codsanayaa ra’iisul wasaaraha inuu ka soo baxo howlaha horyaalla sida wax ka qabashada amni-darrada, abaaraha, isbeddelka cimilada iyo xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay dhammaan dalalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxaan go'aankan qaatay ka dib markii aan aqoonsaday aqoonta Hamza, waayo-aragnimadiisa, iyo kartidiisa," Xasan Sheekh ayaa sheegay suxufiyiinta.

Xasan Sheekh ayaa markii labaad ku guuleystay xilka madaxtinimada bishii May ee sanadkan, isagoo horay xilkan hayay intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, kaddib doorasho muddo dheer dib u dhac ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM