Shariif Sheekh Axmed oo baaq culus u diray Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya - Shariif Sheekh Axmed, madaxwaynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu joojiyo faragelinta ba'an ee uu ku hayo arrimaha doorashooyinka waddanka.
Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa adkeeyay in xaalada adag ee dalka ku jiro looga bixi karo dhameystirka doorashooyinka.
Sida laga soo xigtey Shariif oo ah guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa loo idmadey sixitaanka wixii khalad ah ee ka dhacay doorashadda.
"Go'aanadii uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka," ayuu yiri.
Wuxuu ku daray: "Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hoggaaminteeda Ra'iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble".
"Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada," ayuu xusay.
Shariif ayaa kusoo gabagabeeyay: "Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada".
Soomaaliya ayaa dhexda uga jiro qalalaase doorasho taasoo ka dhalatay is-mari-waa salka ku haysa daahfurnaanta doorashooyinka oo ay ku is-qabteen Madaxtooyadda iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha.
GAROWE ONLINE