Shariif Sheekh Axmed oo baaq culus u diray Farmaajo

Image
Xalka mushkilada haatan taagan ayuu ku sifeeyay dhameystirka doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shariif Sheekh Axmed, madaxwaynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu joojiyo faragelinta ba'an ee uu ku hayo arrimaha doorashooyinka waddanka.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa adkeeyay in xaalada adag ee dalka ku jiro looga bixi karo dhameystirka doorashooyinka.

Sida laga soo xigtey Shariif oo ah guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa loo idmadey sixitaanka wixii khalad ah ee ka dhacay doorashadda.

"Go'aanadii uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hoggaaminteeda  Ra'iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble".

"Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada," ayuu xusay.

Shariif ayaa kusoo gabagabeeyay: "Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada".

Soomaaliya ayaa dhexda uga jiro qalalaase doorasho taasoo ka dhalatay is-mari-waa salka ku haysa daahfurnaanta doorashooyinka oo ay ku is-qabteen Madaxtooyadda iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM