Shariif Sheekh Axmed walaalkiis oo Muqdisho lagu dhaawacay

Image

March 5, 2015 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dhaawacay nin ay walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ninka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Axmed Ubbo, waxaa meel u dhow gurigiisa oo ku yaal degmada Kaaraan ku toogtey dabley hubeysan.

Ubbo oo la shaqeynayey mid kamid ah hay'adaha samafalka Turkiga ee Muqdisho ka hawlgala waxaa lagu soo warramayaa in xaaladdiisa caafimaad xilligan tahay mid wanaagsan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa February 22, 2015 sheegay in Al-shabaab kordhin doonto weerarrada ay la beegsaneyo dadka rayidka ah iyo goobaha laysugu yimaado, isagoo taas ku sababeeyey awoodda Al-shabaab oo diciiftey.

Hadalkaas wuxuu Shiriifku yiri mar uu tacsi u dirayey ehelada dadkii ku dhintey weerarkii February 20, 2015 Al-shabaab la beegsatey Central Hotel ee magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayey bilihii u dambeeyey, waxayna arrintani kusoo aadeysaa xilli maalmaha soo socda lagu wado in lasoo magacaabo agaasimaha hay'adda nabad sugidda iyo taliyaha ciidamada booliska.

Wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya in wasiirkii hore ee cadaaladda Faarax Sheekh Cabdiqaadir loosoo magacaabi doono agaasimaha hay'adda nabad sugidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM