Shariif Sheekh Axmed walaalkiis oo Muqdisho lagu dhaawacay

Image

March 5, 2015 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dhaawacay nin ay walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ninka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Axmed Ubbo, waxaa meel u dhow gurigiisa oo ku yaal degmada Kaaraan ku toogtey dabley hubeysan.

Ubbo oo la shaqeynayey mid kamid ah hay'adaha samafalka Turkiga ee Muqdisho ka hawlgala waxaa lagu soo warramayaa in xaaladdiisa caafimaad xilligan tahay mid wanaagsan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa February 22, 2015 sheegay in Al-shabaab kordhin doonto weerarrada ay la beegsaneyo dadka rayidka ah iyo goobaha laysugu yimaado, isagoo taas ku sababeeyey awoodda Al-shabaab oo diciiftey.

Hadalkaas wuxuu Shiriifku yiri mar uu tacsi u dirayey ehelada dadkii ku dhintey weerarkii February 20, 2015 Al-shabaab la beegsatey Central Hotel ee magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayey bilihii u dambeeyey, waxayna arrintani kusoo aadeysaa xilli maalmaha soo socda lagu wado in lasoo magacaabo agaasimaha hay'adda nabad sugidda iyo taliyaha ciidamada booliska.

Wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya in wasiirkii hore ee cadaaladda Faarax Sheekh Cabdiqaadir loosoo magacaabi doono agaasimaha hay'adda nabad sugidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM