Shariif Xasan oo Madoobe Nuunow wasiir u soo magacaabey

Image

March 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan ayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha usoo magacaabey Madoobe Nuunow Maxamed.

Nuunow oo  horay mucaarad ugu ahaa maamulka Madaweyne Shariif wuxuu hoggaaminayey  garabkii maamulka lixda gobolka ee magaalada Baydhabo lagu dhisey.

Shariif Xasan oo ka hadlayey munaasabad Baydhabo ka dhacdey ayaa sheegay in tallaabadani cadeyn u tahay biseylka siyaasadeed ee siyaasiyiinta gobollada Koonfur Galbeed gaareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mustaqbalka dhow uu xil kan ka muhiimsan usoo magacaabi doono Madoobe Nuunow balse xilka hadda loo dhiibey yahay mid ku meel gaar ah.

Nuunow oo isna ka warbixiyey dareenkiisa ku aadadn xilkan, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay si weynna usoo dhoweynayo.

Wuxuu sidoo kale tilmaamey inuu ka tanaasuley mucaaradnimadii hadda kadibna dowladda Shariifku hoggaamiyo si wacan ula shaqeyn doono.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhomeystirey golihiisa wasiirrada oo ka kooban 64 xubnood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM