Sharmaake oo sharaxay shaqooyinka horyaalla xukumadda cusub

Image
"Wax wanaagsan" ayuu ku tilmaamay isbadalka hogaamineed ee Soomaaliya ka dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul wasaarihii hor ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isbeddelkii dhacay 15-kii bishii hore ee May.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday inuu wax wanaagsan u arko isbeddelka hoggaamineed ee ay gashay Soomaaliya, wuxuuna guul u rajeeyey madaxda cusub ee dalka sida madaxweynaha iyo wasiirka 1aad ee xukumadda.

“Dadku hadda waxa ay u arkaan in isbedel wanaagsan uu yimid waxaan rajeyneynaa in Ilaahey jidka saxda ah ku toosiyo oo dalkan sifiican lugaha loogu istaajiyo” ayuu yiri.

Sharmaa’arke ayaa sidoo kale ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, wuxuuna tilmaamay in Xamze Cabdi Barre uu yahay nin ka bixi kara mas’uuliyaddaasi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa intaasi ku daray in Xamze uu yahay nin leh aqoon iyo karti, isla-markaana uu wax badan kala socdo dalka.

“Madaxweynuhu markii la doortay waqti buu qaatay sida sharciyaddu siineyso ra’iisul wasaaruu soo xulay nin aan is leeyahay mugeeda waa leeyahay, tayadeeda waa leeyahay, aqoonteeda waa leeyahay iyo khibradda gudaha waxa dalka ka jira,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha sugaya ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa oo ay ugu horreeyaan dhammeystirka dastuurka, arrinta Soomaaliya iyo Somiland, caddeynta Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta Ciidamada.

 “Dhammeystirka dastuurka oo u baahan in dadka laga tala-geliyo, arrinta Soomaaliya iyo Somaliland sidii loo gaarsiin lahaa oo loo dhammeystiri lahaa, arrimihii siyaasadda iyo amniga, waxa kale oo dhiman arrinta xamar State-keeda sidii dastuurka loogu qeexi lahaa, waxaa is leeyahay arrimo badan oo masiiri ah ayaa yaallo” ayuu markale yiri Sharmaa’arke.

Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii qaybta ka ahaa doorashadii soo dhammaatay, inkastoo uusan isa soo sharixin, haddana wuxuu safka hore uga jiray hardankii socday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo horay u ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Jubbaland.

Waxa uu ka soo shaqeeyey doorar badan oo dadwayne iyo mid siyaasadeedba 2011 ilaa 2017 waxa uu ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) oo horudhac u ahaa ururka Midowga Nabadda iyo Horumarka (UDP) oo uu hadda hoggaamiyo Xasan Sh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM