Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh, oo xukuumaddiisu ka saartay Al-Shabaab magaalada Muqdisho sanadkii 2011, ayaa hadda sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dib u qabsatay qaybo badan oo dalka ah, isagoo ku eedeeyay dowladda hadda jirta “inay ku fashilantay dagaalka” lagula jiro kooxda iyo “xasilinta siyaasadeed ee dalka.”

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si xawli ah uga horumarayaan jabhadaha kala duwan, halka dowladda dhexe ay mashquul ku tahay “ilaalinta kursiga iyo iibinta dhulka dadweynaha” ee ku yaal Muqdisho iyo meelo kale oo istiraatiiji ah oo dalka ka mid ah.

“Dalka wuxuu marayaa xaalad khatar ah, Al-Shabaab-na waxay qabsadeen goobo muhiim ah oo u dhow caasimadda Muqdisho. Ciidamadii qaranka way kala daadsan yihiin,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh oo warbaahinta la hadlay Talaadadii.

Dhibaatada dagaalka iyo niyad-jabka ciidamada

Bishii hore, Al-Shabaab ayaa dib u qabsatay magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Moqokori, Maxaas iyo Aadan Yabaal – kuwaas oo dhaca bartamaha Soomaaliya – taasoo dhirbaaxo culus ku noqotay ciidamada dowladda oo ka baxay goobahaas.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida. Wuxuu intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah askarta ay daawanayaan iyadoo qoysaskooda laga barakicinayo guryo ay deganaayeen, kuwaas oo la sheegay in lagu iibiyay shirkado gaar ah.

“Sidee askari u difaaci karaa dowlad burburinaysa bulshadii uu kasoo jeeday?” ayuu weydiiyay madaxweynihii hore.

Muranka siyaasadeed iyo dastuurka

Shariif Sheekh Axmed sidoo kale wuxuu si adag u dhaliilay tallaabada dowladda ee beddelka dastuurka dalka, taasoo horseeday muran siyaasadeed oo xoogan. Beddelkaasi wuxuu fure u noqonayaa in Soomaaliya markii ugu horreysay yeelato doorasho qof iyo cod ah, balse arrintan waxaa si weyn uga hor yimid mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Isniintii lasoo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in ciidamo la geeyo Jubaland, taasoo xaaladda siyaasadeed ee dalka sii hurisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM