Sheekh Shariif oo digniin u diray madaxda Dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa uga digay madaxda dowlada federaalka "in ay marmarsiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahooyinka 2020-21".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku caddeeyay in ay kasoo horjeedaan "wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka" oo aan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo.

Hadaladaas ayuu si cad kaga dhawaajiyey kadib markii uu Muqdisho kulan la yeeshay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga Martinez.

"Madasha xisbiyada Qaran waxay diyaar u tahay ka qayb galka doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna kasoo horjeeddaa wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21 iyada oon ka digeyno in madaxda dowladdu marmarsiiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahada," ayuu yiri.

Shariif ayaa ah hogaamiyaha madasha xisbiyadda oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee ka jira waddanka.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

Waxaan maanta xaruntiisa ku booqanay aniga iyo xubno kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez oo aan ka wada hadalnay qodobadan:-

1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.

2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.

3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin.

4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, iyo in la iska kaashado ka hortagga cudurka.

Madasha xisbiyada Qaran waxay diyaar u tahay ka qayb galka doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna kasoo horjeeddaa wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21 iyada oon ka digeyno in madaxda dowladdu marmarsiiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM