Sheekh Shariif oo nasiib-darro ku tilmaamay guuldarrada dowladda ee dagaalka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif, ayaa si adag uga hadlay fashilka dowladda federaalka ee ku aaddan dagaalka Al-Shabaab iyo haysashada magaalooyinkii horey kooxda laga saaray, kadib markii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan shalay la qabsaday.

Sheekh Shariif ayaa arrintan ku tilmaamay "mid murugo leh oo ka tarjumaya dayacaad iyo fashil dhanka hoggaan," isagoo ka digay in hadii dowladda la imaan ficil dhab ah ay Al-Shabaab halis weyn gelinayso amniga qaranka.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay qaataan tallaabo degdeg ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasiloonida magaalooyinka muhiimka ah ee horey laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayna ka hortagaan in weeraro ama dib u qabsasho ka dhacaan.

"Fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo haysashada magaalooyinkii horey looga saaray wuxuu khatar gelinayaa amniga guud ee dalka, waxaana looga baahan yahay dowladda Federaalka tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo badbaadada shacabka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo xaaladaha amni ee Hiiraan iyo meelo kale oo ka tirsan dalka ay weli yihiin kuwo cakiran, isla markaana Al-Shabaab ay weli wado weeraro iyo isku dayo dib u qabsasho ah. Kooxda ayaa sanadkan la wareegtay Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM