Sheekh Shariif oo si kulul u cambaareeyay qaraxa Muqdisho

Image
Qoraal kooban oo uu so dhigay baraha bulshada ayuu tacsi u diray qoysaskii eheladooda ku waayay "Weerarkan argagixisanimo".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay qaraxii Muqdisho isagoo ku tilmaamay "fal waxashnimo ah".

Qoraal kooban oo uu so dhigay baraha bulshada ayuu tacsi u diray qoysaskii eheladooda ku waayay "Weerarkan argagixisanimo" wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee lagu beegsaday dhallinyarada ku fiidsaneysay Maqaayad Top Coffee ee magaalada Muqdisho caawa.

Weerarkan wuxuu muujinayaa cadaawadda kooxaha argagixisada ay u qabaan dhallinyaradeenna oo ah mustaqbalka dalka iyo ganacsatada maalgashiga ku sameystay dalka.

Waxaan dhammaan murugada la qeybsanayaa Eheladda Dadka waxyeelada ee ka soo gaartay weerarka caawa. Inta ku dhimatay Illaahay ha u naxariisto kuwa dhaawacana Rabbi caafimaad deg deg ha siiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM