Sheekh Umal oo ka hadlay xayiraadda Kenya saartey hantidiisa

Image

April 12, 2015 (GO)- Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa iska fogeeyey eedayn uga timid dowladda Kenya, taasoo ah inuu xiriir la leeyahay ururka Al-shabaab.

Sheekha oo kamid ah culimada diinta ee ugu caansan kuwa Soomaalida, wuxuu ku jirey dad todobaadkii hore dowladda Kenya akoonadooda xanibtey.

Umal oo isaga oo Nairobi ku sugan warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in bankiga Kenya hantidiisa xayiraad saaro, taas isagoo ka hadlayeyna wuxuu yiri.

"wax aad loola yaabo weeye in Kenya ay hantideyda xanibto ama ay igu eedeyso inaan Al Shabaab taageero" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey "arrintan aniga iska dhaafee qof kasta ayay yaab gelineysaa, maxaa yeelay waala ogyahay halka aan kala joogno aniga iyo Al Shabaab".

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo sidoo kale kamid ah Soomaalida ganacsiga ku leh Nairobi, wuxuu si joogto ah u dhaliilaa siyaasadaha Al-shabaab isagoo ka diyaariyey barnaamijyo badan kuna tilmaamey inay leeyihiin tilmaamaha Khawaarijta.

Bankiga dhexe ee dowladda Kenya ayaa todobaadkii hore xannibey 86 akoon oo la sheegay inay leeyihiin shirkado iyo shaqsiyaad lagu soo eedeeyey inay taageeraan Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM