Sheekh ka tirsanaa culimada Ahlu Sunna oo Baydhabo lagu diley

Image

February 14, 2015 (GO)- Sheekh caan ahaa oo ka tirsan culimada Ahlu Sunna ee gobolka Bay ayaa weeberigii saaka magaalada Baydhabo lagu diley.

Sheekha oo lagu magacaabi jirey Sheekh Aadan War-iisho wuxuu noqonayaa kii saddexaad ee muddo bil gudaheed ah Baydhabo lagu dilo.

Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa wejigana soo duubtey ayaa lagu soo waramayaa inay sheekha ku dileen meel u dhow gurigiisa xilli uu kasoo baxay masjid uu mua'ddin ka ahaa salaadii subaxa kusoo tukadey.

Lama oga cidda ka dambeysey dilka Sheekha, balse Af-hayeen u hadlay culimada Ahlu Sunna ee gobolka Bay  ayaa mas'uuliyada dilka  dusha u saaray ururka Al-shabaab.

January 18, 2015 ayey ahayd markii Baydhabo lagu toogtey Sheekh  Shariif Siidkey oo ahaa guddoomiyaha dallada culimada Ahlusunna ee degmada Baydhabo. 

Sidoo kale waxaa February 3, 2015  isla Baydhabo lagu diley Sheekh Xuseen Xasan oo isna ka tirsanaa culimaa'uddiinka Ahlu Sunna kaasoo lagu dhex diley masjid xilli uu saalada cishaha ku jirey.

Saraakiil u hadlay laamaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay qabteen dhowr qof oo lala xiriirinayo dilka xalay Baydhabo ka dhacay welina ay baaritaan wadaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM