Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing
BEIJING — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa mar kale xaqiijiyay in Beijing ay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo dhul ahaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo si cad uga soo horjeestay isku day kasta oo ay Somaliland ku doonayso inay xiriir gaar ah la sameyso Taiwan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa hadalkan ku sheegay wada-hadal taleefan oo uu Axaddii la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Dhaay, xilli uu Wang ku guda jiray booqasho uu ku marayay qaar ka mid ah dalalka Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeedyo ay soo saareen labada dhinac.
Wang Yi ayaa sheegay in Shiinuhu weli ka go’an yahay siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahan Soomaaliya, isla markaana uu sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo difaaca, inkasta oo ay isbeddello ka dhacayaan masraxa caalamka.
Sidoo kale, Wang Yi ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu booqasho ugu tago Beijing ugana qeybgalo Shirweynaha Labaad ee Shiinaha iyo Dowladaha Carabta. Waxa uu sheegay in sannadka is-dhaafsiga shacabka Shiinaha iyo Afrika uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.
Intii uu socday wada-hadalka, Wang Yi ayaa muujiyay taageerada Shiinaha ee hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Janaayo, isagoo xusay mas’uuliyad wadajir ah oo labada dal ka saaran ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka, la dagaallanka gooni-u-goosadka iyo argagixisada, iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka qaranka. Waxa uu mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu dheggan tahay mabda’a Hal-Shiinaha (One China Policy).
Dhanka kale, Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dib-u-dhigista booqashadii la filayay ee Wang Yi uu ku imaan lahaa Muqdisho ay sabab u ahayd isbeddel jadwal iyo wadatashi saaxiibtinimo oo dhexmaray labada wasaaradood ee arrimaha dibadda, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn xaalado amni.
GAROWE ONLINE