Shiine Culay oo ku biiray Soomaalida gaartey 1M Facebook followers

Image
Marka laga soo tago wariyenimada, Shiine waa majaajiliste iyo falanqeeye siyaasadeed.

BERLIN, Germany - Saxafiga Shiine Culay ayaa kamid noqdey Soomaalida faro-ku-tiriska ah ee isticmaasha barta Facebook-ga ee ciwaanadooda gaarka ah ay ku xirmaan hal milyan oo jamaahiir ah.

Qoraal kooban oo mahad-celin ah ayuu ku yiri: "Alxamdulilaah, Safar dheer kadib waxa farxad ii ah in maanta Facebook Pagekaygu gaaray 1M oo Followers; la’aantiin ma noqdeen caan caan dhalay halkan ma soo gaareen, aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin dhamaantiin".

Fariin kale oo mahadnaq ah ayuu kusii raaciyey: "Kelmedo kooban oo mahadcelin ah igama istaahishaan, hadii aynu meel wada joogi lahayn geel badan waa idiin qali lahaa. Mahadsanidiin Soomaaliyeey".

Marka laga soo tago wariyenimada, Shiine ayaa sidoo kale waxa uu ku suntan yahay majaajiliste iyo in uu ka faaloodo dhacdooyinka markaa taagan ee khuseeya arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Mudadii uu joogay Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Shiine ayaa kamid ahaa qoreyaasha warsidaha Garowe Online. Haatan waxa uu ku nool yahay dalka Jarmalka halkaasoo ay ka joogaan qoyskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM