Shil khasaare badan dhaliyey oo duleedka Muqdisho ka dhacay

Image

March 17, 2015 (GO)- Ugu yaraan todoba qof ayaa ku geeriyoodey ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen labo gaari oo kala ah bas yar oo noociisu yahay Nissan Homy iyo gaari kale oo kuwa xammuulka qaada ah oo isagana noociisuna yahay N3.

Dadka dhintey waxaa ku jira dumar iyo carruur, kuwa dhaawacmey oo qaarkood xaaladoodu halis tahay waxaa lasoo qaadey dhanka magaalada Muqdisho.

Taraafikada ayaa tagtay goobta uu shilku ka dhacay lamana xaqiijin ilaa iyo hadda labada gaari midkooda khaladan.

Boqollaal qof ayaa sanad walba ku geeriyooda shilalka gaadiidka ee ka dhaca Soomaaliya, waxaana badankooda loo aaneeyaa khibrad yarida wadeyaasha gaadiidka iyo jidadka oo burbursan.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM