Shir u bilowday madaxda dowladda federaalka iyo maamulada

Image
Image
Image
Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda madaxweynaha cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doonaan dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM