Shir u bilowday madaxwayne Xasan Sheekh iyo mucaaradka

Image
Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shir u dhaxeeya madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka oo isugu jira madaxwayneyaal hore, ra'iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale.

Waxaa hadda shir uga socdaa hoyga Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinur

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashadda.

Siyaasiyiintan ka qeybgalaysa shirkan oo dhalay badankood soo gaaray Muqdisho ayaa horay uga soo horjeestay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

Balse waxay markii dambe ajiibeen martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid durba bilaabay inuu xilli hore furay saaxada siyaasadda iyo albaabada wada tashiga arrimaha masiiriga u ah dalka.

Natiijadda kasoo baxda kulankan ayaa jaangoyn doonta qaabka uu u ekaan doono muuqaalka siyaasadda waddanka iyo jihada uu qaadan doono. Maxsuulka shirkan ayaa sidoo kale waxa uu saameyn doonaa dagaalka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM