Shir u dhaxeeya Madaxda DFS iyo maamullada oo Muqdishu ka furmaya

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Waxaa la qorshaynayaa in magalada Muqdishu ka furmo shir looga hadlayo doorashada 2016, kaasi oo u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo maamullada dalka.

Kulanka waxaa ka qayb galaya wufuud ka socota Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed Somalia iyo Galmudug.

Waxaa jira tabashooyin ay qabaan maamulada qaybtood, waxaana ka mid ah Jubbaland oo ka cabanaysa in dowladda Federaalka Somalia ku tilmaamayso weli KMG, halka ay jiraan tabashooyin uu qabo maamulka Puntland.

19-21 September ayay ahayd markii magalada  Muqdishu lagu qabtay shir gogol xaar u ahaa kan maanta furmaya, waxaana jiray khilaaf hareeyay inta uu socday, iyadoo ka soo baxeen war-murtiyeedyo is khilaafsan.

Arrintaasi ayaa weli taagan oo aysan jirin xal muuqda oo laga gaaray, waxaana macquul  noqon karta inuu saameeyo kulanka maanta.

Dowladda Somalia ayaa sheegaysa inay wixii tabashooyin ah ee jira si wadajir ah loo xallinayo balse muhiimadu tahay in la wadatashado.

Wixii ka soo kordha, waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM