Shir u furmay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda IMF

Image
Shir oo furmay Talaadadii shalay ayaa Beyle sheegay in soca doona ilaa 8-da bisha soo socota March.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu socdo shir balaaran oo ku saabsan arrimaha maaliyadda Soomaaliya kaas oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta adduunka ee IMF, xilli hay’adu ku hanjabtay in ay joojin doonto kaalmadeeda Soomaaliya hadii dib u dhac kale ku yimaado doorashooyinka dalka.

Shir oo furmay Talaadadii shalay ayaa Beyle sheegay in soca doona ilaa 8-da bisha soo socota March.

Shirkaan ayaa ku soo aaday xilli saacadihii u dambeeyey ay IMF soo saartay digniin ah in ay joojin doonaan lacagaha ku baxa barnaamijyada ay taageeraan ee Soomaaliya, markii la gaaro bisha May, haddii uu sii socdo dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

"Shirkaan waxa uu soconayaa 22-kii bishaan February laga soo bilaabo ilaa 8-da bisha soo socota, waxaad halkaas ka garan kartaan ahmiyada shirkaan oo ka balaaran kuwii horay u dhex-mari jiray dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta aduunka," ayuu yiri Wasiir Beyle.

Bayle ayaa sheegay in wajiga 1aad ee shirkaan diiradda lagu saarayo wixii dhanka maaliyadda Soomaaliya uga qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo qeybaha dambe ee shirkana lagu odorosi doono koboca maaliyadeed ee Soomaaliya ay sameyn karto sanadka soo socda.

Wasiirka sheegay in shirkaan ay qeyb ka yihiin dhowr wasaaradood oo dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo Bangiga Adduunka, iyadoo doorka ugu weyn ay leeyihiin wasaaradda maaliyadda iyo hey’adda IMF-ta.

“Bangiyada caalamka markii ay dalalka kala xaajoonayaan deyn cafin iyo wixii lamid ah, hadii doorasho la galo shaqada socota waa joojiyaan, laakiin anaga nagama joojin, waxa aan kabka miisaaniyadda aheyn lama jarin, mashaariicdu sidiibey u socotaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Beyle.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Sida caadiga ah waxay ahaan laheyd in IMF ay dib u dhigato howshaan oo shaqadaan dib loo bilaabo markii madaxweyne cusub la doorto, waxaan ogeyn in taasi ay dib u dhac badan nagu keeni karto, marka waxaan ku qancinay in shaqadu sideeda ay u sii socoto”.

Arrimaha ay kula heshiiyeen IMF waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya Maarso ay la shiri doonaan madaxweynaha Soomaaliya, maalinka la doorto maalinta ka dambeysa, sida uu sheegay wasiir Beyle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM