Shirka golaha wadatashiga Qaran oo ka furmaya Muqdisho, maxaa lagaga hadlayaa?

Image

MUQDISHO: Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Faderaalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa in uu maanta furo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan dhammaan madaxda dowlad-gobolleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa looga arrinsan doonaa dardar-gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka, sida uu horay u sheegay RW Rooble.

Ka hor kulanka maanta furmaya waxaa jirey kulamo gaar-gaar ah uga hadlay isla meel-dhigida ajandayaasha kulanka si looga fogaado khilaaf dhexdooda oo markale riixa dib-u-dhac doorasho.

Sharkan oo lagu waday in uu furmo 27-ka bishii dhammaatay ee December ayaa waxaa ku yimid dhib-u-dhac, kaddib markii khilaaf uu soo dhex-galay madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo salka ku yahay arrimo doorasho iyo dano gaar ah.

Hubanti la’aanta doorasho ayaa sawir aan wanaagsaneyn ka bixineysa geediga dimuqraadiyada Soomaaliya, taas oo niyad jab ku riday qaar badan shacabka Soomaalidda iyo saaxiibbada beesha caalamka ee taageera dowladnimada Soomaalidda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM