Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka bilowdey Muqdisho

Image
Shirka Wadatashiga Qaranka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo bishii hore ee August.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyadda ayaa ka bilowday Villa Soomaaliya iyadda oo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu uga qeybgalyo qaab fogaan arag ah.

Ajandaha is-araggan waxaa kamid ah ammaanka, xal u helida xiisadda ka dhalatay qaabka loo wadaagayo deeqda ka timid Bangiga Aduunka ee dhan $100 milyan iyo siyaasadda.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka madaxda Soomaalida ee ka furmay Muqdisho "lagu lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada".

"Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Shirka Wadatashiga Qaranka ayaa qorshuhu ahaa in uu qabsoomo bishii hore ee August. Hase ahaatee, sababo aan illaa haatan wax fahfaahin ah laga bixin ayaa sababtay in uu dib-u-dhac ku yimaado.

Kahor inta uusan bilaaban kulankan, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shalay wuxuu warbaahinta u sheegay "in ajandaha ugu weyn ee kulanka uu yahay sidii ay Soomaalida isugu tashan lahaayeen dhanka amniga".

Hal illo wareed ayaa rumeysan in ay baajisay safaradda dibadda ee Xasan Sheekh. Saddex kalana oo si dhow ula socdey kulankan waxay sheegeen in ay baajiyeen "dildilaac" ka dhashay magacaabida xukuumadda.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si weyn ugu ololeysay in uusan mar kale baaqan kulankan maadaama Xasan Sheekh uu raadinayo "sawir guud" oo uu la tago shirka loo-dhan-yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

"Sawirkaas guud ayaa ka caawinaya madaxweynaha in uu sharaxaad u helo hal-ku-dhiga uu ololaha ku galay ee ah "Soomaali heshiis ah dunidaha heshiis la ah," ayuu yiri mid kamid ah dadka la socda siyaasada Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale wuxuu fure u noqon karaan wadashaqeyn dhow oo madaxda Soomaalida yeeshaan mustaqbalka - fashil iyo guul - mid kasta oo ku yimaadana waxaa cawaaqib ku muteysaneysa Soomaaliya oo qura.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM