Shirka maamul u sameynta G. dhexe oo Dhuusomareeb loo wareejiyey

Image

March 24, 2014 (GO)- Shirka maamul u sameynta gobollada dhexe oo horay qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Cadaado ayaa loo wareejiyey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Odayaasha beelaha gobollada dhexe ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Dhuusomareeb waxay kasoo saareen war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban kaasoo lagu sheegay in wejiga labaad ee shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe uu ka dhici doono magaalada Dhuusomareeb.

Go'aankan waxaa loo sababeeyey dhowr arimood oo kala ah: ammaanka Dhuusomareeb oo sugan marka loo eego Cadaado iyo degmada Dhuusomareeb laga heli karo dhammaan tasiilaadka shirku u baahan yahay sida: hoteelada, hoolalka shirarka iyo adeegyada isgaarsiinta.

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM