Shirka maamul u sameynta gobollada dhexe oo Cadaado ka furmaya

Image

CADAADO, April 15, 2015 ( GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu maanta furo shirka maamul u smeynta gobollada dhexe ee Somalia kaasoo ka furmi doona magaalada Cadaado.

Kulanka ugu horeeya ayaa la filayaa in lagu xulo ergooyinka u codeynaya dastuurka maamul goboleedkaasi yeelanayo islamarkaana dooran doona madaxweynaha.

Muran xooggan ayaa weli ka taagan halka ay noqon doonto magaalo madaxda maamulka gobollada dhexe iyadoo xubnaha shirkaas ka soo qayb galey intooda badan qaban fikir ah in ergooyinku cod u qaadaan halka ay noqoneyso magaalo madaxdu.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa horey ugu dhawaaqey in magaalo madaxda goboladaas noqon doonto Dhuuso Mareeb iyadoo go'aankaas ka biyo diideen madaxda magaalada Cadaado kuwaasoo ku tilaamey mid aan dastuuri aheyn.

Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulkaan ayaa farabadan iyada wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho sheegayaan in madaxda dowlada Federaalka xubnaha qaarkood dabada ka riixayaan.

Dhinaca kale, magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey kusii qulqulayey siyaasiyiin u badan xildhibaanno kuwaasoo sheegey inay ka qayb galayaan kulan looga arinsanayo dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha wada daga halkaas.

Wararka ku xeeran kulanka ka furmaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in uu yahay mid beelaha daga gobolkaasi uga arrinsanayaan sidii ay ku dhisan lahaayeen maamul. Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa rumeysan maamul goboleedka cusub ee Hiiraan uu noqdo mid keligiis gaar u taagan oo aan gabi ahaanba wax la wadaagin gobolka Shabeelada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada qorshe kale oo maamul goboleed loogu sameynayo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

GAROWE ONLINE kala soco wararka la xiriira shirweynaha maamul u sameynta gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM