Shirkado ku xiran Villa Soomaaliya oo lala xiriiriyey galka Jaadka Kenya

Image
Khidmadahaan ayaa waxaa dacwo ka ah Iskaashatooyinka qaadka ka Ganacsada oo fadhigoodu yahay gobolka Mira.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya,

Wafdiga Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalaya munaadabadda dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Xasan Sheekh waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu hogaaminayo Xildhibaan Aadan Ducaale.

Ruto iyo Xasan ayaa xafladda kadib  isla soo qaadi doonaan arimo ay ugu muhiimsan yihiin khidmado Qaadka laga dhoofiyo dalka Kenya.

Warar ayaa sheegaya in qandaraaska Jaadka ay ka qaataan shirkado Soomaali ah oo xiriir dhow la leh Villa Somalia. Khidmadahaan ayaa waxaa dacwo ka ah Iskaashatooyinka qaadka ka Ganacsada oo fadhigoodu yahay gobolka Mira.

William Ruto ayaa shaaciyey in qadiyadda Jaadka ay kamid tahay mid kamid ah qodobada uu kala hadli doono dhigiisa dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

"Aniga ii daa qadiyadda Miraa. Waxaan kulan la leeyahay todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya si aan ula socono suuqyada Miraa. Beeralayda Miraa waa in aysan waligood walwalin, waxaan la macaamili doonaa dhammaan dulaaleyda iyo iskaashatooyinka," ayuu yiri Ruto.

Urur ay leeyihiin ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa cabasho weyn ka qaba lacago baad ah oo ay sheegeen in looga qaado garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jommo Kenyatta, gaar ahaan marka ay dhoofinayaan qaadka u baxa Soomaaliya.

Kimathi Munjuri, guddoomiyaha ururka Nyambene Miraa Traders Association, ayaa warbaahinta u sheegay in calaa kiilo laga qaado lacag dhan $4.5 doolar, taas oo uu sheegay in lagu qasbay sifo loogu ogolaado suuqa qaadka ee Soomaaliya.

Lacagahan dheeraadka ah ee qasabka ah ayaa keenay in qiimaha kiilihii qaadka uu magaalada Muqdisho ka gaaro $23 doolar, iyada oo welwelka ugu badan ee ganacsatada Kenya ay qabaan ay tahay in markani aysan la tartami karin qaadka laga keeno Itoobiya oo isagu ah $19 doolar kiilihii, ayna muuqato in hadda ay isku qiimo dhowyihiin, isagana ka raqiisanyahay.

“Arrintii ahayd qaadka Kenya waa ka tayo wanaagsanyahay kan Itoobiya, waa ay inoo shaqayn la’dahay hadda” ayuu yiri ninkani oo intaasi ku daray in haddii arrimaha sidan kusii socdaan ay xaaladda gaari karto meel uu ganacsigooda burburo.

Markii la furey suuqa qaadka ee Soomaaliya, tirada ganacsatada dhoofinaysa qaadka ee shatiga ka helay dowladda waxa ay ahaayeen 16, haddase waxa ay hoos ugu dhaceen 7 oo keliya sababo la xiriira culeesyadan taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM