Shirkii Brussels ee arrimaha Soomaaliya oo dib u dhacay [Akhri Sababta]

Image

BRUSSELS -  Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirkii arrimaha Soomaaliye ee la filayay inuu 24 ama 25-ka bishan ka furmo magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium, sida uu ogaadey Warsidaha Garowe Online.

Waxaa jira dhowr sababood oo keenay dib u dhaca, kuwaasi oo ay kamid yihiin in wafuudii caalamiga oo arrimo kale ku mashquulsan, oo waqtiga loo qabtey aan soo xaadiri karin iyo daneyn la'aan [Lack of Interest] dhanka deeq-bixiyaasha oo ku aadan arrimaha Soomaaliya.

Diblomaasiyiin ayaa u sheegay Garowe Online in mudo bil ah uu dib u dhacay Shirka Brussels, ee la filayay in dhaqaale loogu deeqo dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo loogu tala-galay in lagu fuliyo qorshaha amniga qaranka dalka, oo dowlad goboleedyada ay qeyb ka yihiin.

Waxaa lagu wadey in Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda Federaalka inay la tagaan shirka qorshe ay ku mideysan yihiin oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha amniga Soomaaliya, si loogu fasaxo lacagta loogu deeqay.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maalmihii dambe ku sugnaa Oslo, Norway kana qeybgalay shir caalami ah oo colaadaha looga hadlayay ayaa wararku sheegayaan inuu ku wajahnaa Brussels, balse ka baaqday markii shirka uu dib u dhaca ku yimid.

Shirkan ayaa ah wajiga labaada ee looga hadlayo amniga Soomaaliya, oo dowladaha saaxiibada beesha caalamka mudo sanado ah dhaqaale badan ku bixinayay sidii dalka loogu dhisi lahaa Ciidan qaran, oo awood u leh in AMISOM mas'uuliyadda amni kala wareegaan 2020.

Dowladaha dhanka amniga ka taageera Soomaaliya waxaa kamid ah Mareykanka, oo isna hadda shaki badan ka muujiyay kalsoonida Ciidamada dowladda Federaalka, iyadoo sanad kahor uu joojiyay dalkaasi dhaqaalihii ay siin jireen Militeriga, sababo la xiriira musuq-muusuq.

Senator Rand Paul, oo katirsan Senate-ka Mareykanka ayaa ugu baaqay maamulka Trump inuu hakiyo dhaqaalaha uu siiyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, oo uu sheegay inay kamid yihiin Caruur xoog lagu askareeyay iyo xubno kasoo goostay Al-Shabaab. [Halkan ka akhri Warlka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM