Shirkii maalgashiga Soomaaliya oo Nairobi kusoo gaba gaboobey

Image
Image
Image

March 11, 2015 (GO)- Shir looga hadlayey maalgashiga Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey ka soconayey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa soo gaba gaboobey.

Shirka oo safaaradda Maraykanka ee Kenya soo qaban qaabisey waxaa kasoo qayb galay 150 shirkadood oo kuwa maalgashiga ah iyo 300 oo xubnood oo kala metelayey shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya iyo shirkado shisheeye.

Muddadii uu shirku socdey waxaa arrimihii looga hadlay ugu muhiimsanaa sidii looga faa'iideysan lahaa fursadaha maalgashiga ee ka jira Soomaaliya iyo weliba khayraadka dabiiciga ah ee ay Soomaaliya leedahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka ka jira waxaa loogu baaqey inay siyaasad fufuran ka yeeshaan dhiirigelinta maalgashiga arintaasoo qayb libaax ka qaadan karta koboca dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa shirka lagu gorfeeyey sidii lagu heli lahaa tamar koronto oo qiimaheedu jaban yahay. Fikradaha ka qayb gelayaasha shirku soo jeediyeen waxaa kamid ahaa in laga faa'iideysto tamarta qorraxda iyo dabeysha oo si fudud looga heli karo meel kasta oo Soomaaliya kamid ah.

Shirka waxaa Puntland uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM